Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Philippe Coutinho oo ku Biirey Barcelona


Philippe Coutinho
Philippe Coutinho

Philippe Coutinho, ayaa ku sugan Barcelona, kadib markii labada kooxood ee Barcelona iyo Liverpool ay ku heshiiyeen in ciyaartoygaasi uu u wareego naadiga dalka Spain, oo Liverpool-na ay qaadato 142 Milyan oo Yuuro.

Ciyaartoyga ayaa saxiixaya heshiis shan sano iyo bar gaaraya, marka uu tijaabada caafimaad uu ku guuleysto, iyadoo haddii taasi ay dhacdo uun lagu baabi’in karo heshiiskiisa 400 oo milyan oo Yuuro.

25 sano jirkan reer Brazil, ayaa Barcelona bartilmaameed u ahaa tan iyo xagaagii dhawayd, markii naadigaasi uu ka tagay Naymar Jr. oo ku biirey naadiga PSG ee Faransiiska.

Waxa uu noqonayaa heshiiskan Coutinho ee Barcelona, laaciibkii labaaad ee ugu qaalisan adduunka, marka laga yimaaddo Naymar oo ku biirey PSG xagaagii dhaweyd uu naadigaasi ugu fadhiistey lacag gaareysa £200m.


XS
SM
MD
LG