WASHINGTON. D.C —
Laacibka xulka Masar iyo kooxda Liverpool Mohamed Salah ayaa maanta oo Jimco ah loo magacaabay xidiga sanadka 2017 ee Qaarada Africa.
Salah ayaa abaalmarinta sanadlaha ah ee Xiriirka Kubadda Cakta Africa kaga guuleystay weeraryahanka ay ka wada tirsanyihiin Liverpool balse u dhashay dalka Senegal, Sadio Mane iyo xidiga kooxda Brussia Dortmund iyo xulka Gabon Pierre-Eric Aubameyang.
Mohamed Salah ayaa ku muteystay jaa,izadan, guushi uu u horseeday xulka Masar oo sanadki hore u soo baxday koobka Aduunka marki ugu horreysay ku dhawaad muddo 30 sana ah.
Sidoo kale waa laacibka hadda hogaaminaya gool dhalinta horyaalka Ingiriiska, isaga oo leh 17 gool.