Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Taageeray Dibadbaxayaasha Iran


IRAN PROTESTS
IRAN PROTESTS

Dowlada Mareykanka ayaa mar kale ku celisay ballan qaadkeeda ah in ay taageeri doonto kooxaha dhigaya bannaabaxyada looga soo horjeedo dowlada Iran.

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa Khamiistii cambaareysay xariga boqolaal ka mid ah dadka dhigaya mudaaharaadka, isla markaana sheegtay in Mareykanka uu cunaqabateyn cusub saari doono kuwa caburiska kuwada dadka dhigaya bannaanbaxa.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa iyaduna ku hanjabtay in ay la xisaabtami doonto kuwa galay danbiyada ka dhanka ah dibadbaxayaasha Iran.

Ugu yaraan 21 ruux ayaa la sheegay in ay ku dhinteen bannaanbaxyo rabshado watay oo todobaadki hore ka billowday dalka Iran. In ka badan 1000 ruux ayaa la sheegay in xabsiga la dhigay.

XS
SM
MD
LG