Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda Racfaanka oo Dowladda u Fasaxdey Inay Baarto Siyaasi C/raxmaan


Maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa ku amartay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo horey usoo noqday wasiirka qorshaynta qaranka inuusan dalka ka bixi karin, waxaana ay sidoo kale maxkamadda u oggolaatay dawladda Soomaaliya inay baaritaan kusaabsan kiiska ku saabsan eedaha horey loogu soo jeediyey.

Maxkamadda racfaanka ayaa sidoo kale meesha ka saartay go’aan hore ay u qaadatay maxkamadda Gobolka Banaadir oo fasaxaysay siyaasigaasi.

Dhinaca kalena siyaasiga Cabdiraxmana Cabdishakuur ayaa ka jawaabay go’aanka maxkamadda waxaana uu ku tilmaamay mid siyaasadaysan oo dawladda Soomaaliya doonayso inay ku xannibto dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed. Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu maanta qabtay waxaa hadalkiisii ka mid ahaa.

Dhageyso C/raxmaan Cabdishakuur
please wait

No media source currently available

0:00 0:00:28 0:00

XS
SM
MD
LG