Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo sheegtay inay gudaha Kenya ku dileen 5 Shabaab ah


War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada Kenya ayey ku sheegeen in shaley abbaare lixdii maqribnimo deegaanka Linda Boni ay ku weerareen maleeshiyaad al-Shabaab ka tirsan, kuwaas oo la tuhmayo inay ka dambeeyeen weerar Sabtidii dhaweyd ka dhacay deegaanka Ijara ee Gaarisa.

Ciidamada Kenya, ayaa sheegey in weerarkaas ay ku dileen 5 ka mida maleeshiyaadka al-Shabaab, halka intii kale oo qaarkood ay dhaawacyo yihiinna u firxadeen deegaanka Sariira oo 25 Km u jira waqooyiga Baure.

Ciidamada Kenya ayaa baacsanaayey maleeshiyaadkan al-Shabaab oo weerarey saldhigga booliska Ijaara lana baxsadey gaari Land Cruiser ah, sida warka lagu yiri.

Qoraalkan ka soo baxay ciidamada Kenya ayaa lagu sheegey, in askartooda oo ku daba jirey maleeshiyaadka al-Shabaab ay waddada isku heleen iyagoo isku dayaya in ay u baxsadaan dhinaca xudduuda Soomaaliya.

Gaariga la tilmaamay in ay maleeshiyaadka al-Shabaab ka soo qaateen saldhigga ayaa la sheegey in ay ku xireen walxa qarxa oo keentey inuu gaarigu bur buro, sidoo kale waxaa maleeshiyaad al-Shabab laga soo furtey 5 qori oo AK 47 ah, rasaas, laba bam boo nooca gacanta laga gano ah iyo agabyo kale oo ay wateen, sida lagu sheegey war saxaafedeedkaan.

XS
SM
MD
LG