Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Napoli iyo Juventus oo Isku Haya Horyaalka Talyaaniga


6. Paulo Dybala
6. Paulo Dybala

Kulamo xiisa leh oo ka tirsan horyaalka Talyaaniga ee Serie A-da ayaa shalay iyo xalay la ciyaaray. Kooxda Napoli ayaa wali hogaanka horyaalka seysa.

Jimcihii ayay 1-0 uga badiyeen Crotone. Goolka guusha waxaa u dhaliyay kabtankooda Hamsik, oo sadexdi kulan ee lasoo dhaafayba goolal dhalinayay.
Napoli waxay hal dhibic hadda ka sarreysaa kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Juventus oo xalay 3-1 ku suul-daartay naadiga Hellas Verona.

Laba ka mida goolasha waxaa saxiixay xidiga kooxda Juve, Paulo Dybala, goolka kalana Blaise Matuidi. Goolka calanka Verona waxaa keenay Martin Caceres.

Ciyaaraha kalana, Inter Milan oo kaalinta saddexaad u dhacday waxay mari wayday Lazio oo ay ku kala baxeen bar barro 0-0 ah, waxaa iyadunu bareejo soo xareysatay Milan oo ay 1-1 iskula ak-dhaceen Fiorentia. Fiola ayaa goolka la hormartay waxaana u saxiixay Simone, balse Milan ayaa ka daba tagtay, waxaana goolka bareejada u dhaliyay Hakan Calhanoglu.

Roma, hal dhibic ka heshay ciyaarti ay la dheeshay xalay Sassuolo, oo ay isku mari waayeen 1-1.

Ciyaarti ugu yaabka badneyd ee taariikhda gashay ayaa aheyd tii dhexmartay Benevento iyo Chievo. Benevento ayaa 1-0 ku badisay, waxaana guushaasi ay noqotay tii ugu horreysay oo ay abid ka soo hoyso horyaalka Talyaaniga ee Serie A.


XS
SM
MD
LG