Isku xirrada

Iska-horimaad Gaalkacyo ka Dhacay oo Dhimasho iyo Dhaawac Sababay


Hal qof ayaa ku dhintay mid kalena waa uu ku dhaawacmay iska hor imaad maanta magaalada gaalkacyo ku dhex maray maleeshiyaad hubeysan.

Iska horimaadka ayaa waxaa intii uusan weynaan farageliyay ciidamada dowladda ee qeybta 21aad iyo 54aad.

Iska horimaadkan oo ka dhacay suuqa magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli toddobaadyadii iyo bilihii u dambeeyay ay magaalada ka socdeen dadaallo la doonayo in mar kale aan magaalada lagu dagaalamin.

Wariyeheenna Cabdiwaaxid Macalin Isaaq ayaa arrintan ka wareystay Jeneral Cabdullahi Aden Xuseen Cirro oo ah Taliytaha qeynta 21aad ee ciidanka xoogga Soomaaliya.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG