Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rag Hubeysan oo Weeraray Kaniisad Ku Taalla Masar


Kaniisadda St. George ee dalka Masar
Kaniisadda St. George ee dalka Masar

Ugu yaraan 4 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen shan kalana ay ku dhaawacmeen, weerar ay maleeshiyo hubeysani maanta ku qaadeen Kaniisad ku taalla Koofurta magaalada Qahira ee caasimada Masar.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in laba nin oo hubeysan ay rasaas ku fureen Kaniisadda Mary Mina ee ay ku ciibaadeystaan Masiixiyiinta Qibtiga ah ee ku nool degmada Helwan.Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira mid ka mid ah maleeshiyadi weerarka soo qaadday iyo askari ka tirsanaa ilaalada kaniisada.

Boolisku waxay sheegeen in ay ku raad joogaan mid ka mid ah ragga weerarka geystay, kaasoo la rumeysanyahay inuu goobta ka cararay.

Ma jirto ilaa iyo iminka cid sheegatay weerarka.

XS
SM
MD
LG