Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaqday inay la soo wareegtay maamulka hawada dalka, oo tan iyo burburkii dowladdii dhexe gacanta Soomaalida ka maqneyd.
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo ka hadlay xaflad lagu daah furayay xafiiska qalabka kontoroolka hawada oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladdiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeedba ay sharaf u tahay inay la soo wareegaan maamulka hawadooda.
Masuul u hadlay hey’adda ICAO ee Qaramada Midoobay oo hadawada Soomaliya ka maamuleysay magaalada Nayroobi ayaa sheegay in wareeginta maamulka hawada Soomaaliya ay ku timid heshiis ay horey u kala saxiixdeen dowladda iyo Qaramada Midoobay.
Waxa uu sheegay in ku wareejinta maamulka hawada ay la sugayeen dhameystirka qalbaka maamulka hawada, qalabeynta xafiiska iyo tayeynta shaqaalaha ka shaqeyn doona.
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamaed Cabdullahi Farmaajo ayaa isna sheegay in arintan ay ku suuragashay dadaalka dowladda.
Wariyaha VOA ee Muqdisho Seynab Abukar ayaa warbixintan soo dirtey.