Saraakiisha dalka Afgaanistaan ayaa sheegay in weerar ismiidaamin ah uu Isniinti diley afar qof oo shacab ah iyo labo askarta oo sirdoonka ah, halka uu dhaawacay labo qof oo kale oo shacab ah.
Qaraxan ayaa ka dhacay bar baabuurta lagu baaro oo ku taalo wado aad mashquul u ah gudaha caasimada Afgaanistan ee Kabul. In kasta oo qaraxa loola danlahaa askarta Afgaanistan, hadana waxaa uu haleelay gaari ay dad shacab ahi wateen, sida uu sheegay Najib Danish oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Jabhada Dowlada Islaamka ayaa sheegatey masuuliyada weerarkan. Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka, Sarah Sanders ayaa sheegtey in madaxweynaha Mareykanka warbixin laga siiyey weerarkan.