Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barcelona oo Garaacday Real Madrid


Barcelona's Argentinian forward Lionel Messi (C) vies with Real Madrid's Spanish defender Sergio Ramos, Real Madrid's Brazilian defender Marcelo and Real Madrid's Brazilian midfielder Casemiro during the Spanish League "Clasico" football match Real Madrid

Kooxda Barcelona ayaa si xaraga leh u qaadatay libinta kulanka ugu caansan xilligan dunida kubada cakta ee EL Clasico, kadib marki ay 3-0 ugu awood sheegatay kooxda ay sida aadka ah u xafiiltamaan ee Real Madrid.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka kooxda Real Madrid ayaa waxaa si wanaagsan ugu gacan sarerysay Barcelona. Goolaha ay ku badisay oo dhamaantood yimid qeybti qeybti danbe ee ciyaarta ayaa waxaa kala qeybsaday Luis Suarez, Lionel Messi oo rigoore ku dhaliyay goolka iyo Aleix Vidal.

Real oo ku ciyaareysay gelinki danbe ee ciyaarta ku dhameystay 10 laacib, kadib marki kaarka cas laga siisay Dani Carvajal, ayaa hadda waxay 14 dhibcood ka hooseysaa hogaamiyaasha horyaalka ee Barcelona.

Kaalinta labaad waxaa ku jirta Atletico Madrid oo Jimcihi 1-0 ku khasaartay kooxda Spanyol. Booska saddexaad waxaa degan oo iyaduna 1-0 ku lumisay kooxda Villarea.Real Madrid waxay u dhaadhacday kaalinta afraad.
Real oo difaacaneysa horyaalnimada, ayaa hadda waxay u muuqataa mid ka dhacday loolanka loogu jiro horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG