Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faah-faahinta Horyaalka Talyaaniga


Le milieu de terrain slovaque de Naples, Marek Hamsik, célèbre après avoir marqué un but lors du match de football italien de Série A entre le Naples et l'UC Sampdoria, au stade San Paolo de Naples, le 23 décembre 2017. / PHOTO AFP / CARLO HERMANN
Le milieu de terrain slovaque de Naples, Marek Hamsik, célèbre après avoir marqué un but lors du match de football italien de Série A entre le Naples et l'UC Sampdoria, au stade San Paolo de Naples, le 23 décembre 2017. / PHOTO AFP / CARLO HERMANN

Horyaalka Talyaaniga ee Seria A-da, kooxda Napoli ayaa wali hogaanka u heysa horyaalka, kadib marki ay shalay 3-2 ugu awood sheegatay Sampdora.

Mid ka mid ah goolasha waxaa saxiixay kabtanka kooxda Marek Hamsik oo hadda noqday laacibka ugu goolal dhaliska badan ee abid soo mara Napoli. Wuxuu dhaafay halyeeygi hore ee Napoli, Maradona oo diiwaankaas horay u heystay. Hamsik 465 kulan oo uu saftay wuxuu u dhaliyay kooxdan 116 gool.

Waxay hadda hal dhibic ka sarreysaa Juventus oo dib ugu soo laabatay kaalinta labaad. Juve waxay xalay 1-0 isaga reebtay Roma. Goolka guushana waxaa u dhaliyay daafaci hore ee isla Roma, Mahdi Benatia.

Todobaadkan, waxaa mar kale ay guuldarro qaraar soo gaartay Inter Milan oo in mudda ahba daadihineysay hogaanka horyaalka. Inter waxaa 1-0 ku khaarijisay Sassuolo. Waa guuldarradi labaad oo xiriir ah oo kasoo gaareysa horyaalka xilli ciyaareedkan.

Sidaasi si la mid ah waxay marki labaad oo xiriir ah iyaduna khasaareysa kooxda ay Inter isku magaalada yihiin ee Milan.

AC Milan waxaa 2-0 ku cuntay Atalanta. Ciyaaraha kalana. Lazio waxay4-0 ku martay Crotone. Genoa 1-0 ay ku cuntay Nenevento. Udinese 4-0 ayay ku xaaqday Hellas Verona, halka Torino iyo SPAL isku mari waayeen barbarro 2-2 ah.

XS
SM
MD
LG