Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sidee Loo Kala Badisay Horyaalka Ingiriiska Todobaadkan


Mohamed Salah

Kooxda Manchester City ayaa kordhisay dhibcaha ay ka sarreyso kooxda kusoo xigta ee Manchester United oo ay ka dhigtay 13, kadib marki ay shalay 4-0 ku dubatay Bournemouth.

Waxay aheyd guusheedii 17-aad oo xiriir ah oo ay kasoo hoyneyso horyaalka, waana kooxdi ugu horreysay oo British ah oo abid guulo intaasi la eg hal xilli ciyaareed isku xijisa horyaalka Ingiriiska.

Kooxda ay mataanaha yihiin City ee Manchester United ayaa awoodi weysay inay yareyso dhibcaha laga sarreeyo, ka gadaal marki ay xalay barbarr 2-2 ah la dhaafi weyday naadiga Leicester City. Kooxda Kaalinta saddexaad ku jirta ee Chelsea waxay bareejo 0-0 ah la gashay Everton.

Ciyaaraha kalana, Tottenham waxay 3-0 ku dardartay Burnly. Sadexdaba waxaa saxiixay Harry Kane.

Southampton 1 - 1 Huddersfield Town
Stoke City 3 - 1 West Bromwich Albion
Swansea City 1 - 1 Crystal Palace
West Ham United 2 - 3 Newcastle United.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG