Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jubba Land oo Qaadday Koobka Maamul Goboleedyada


Ciyaaraha maamul goboleedyada
Ciyaaraha maamul goboleedyada

Kooxda Kubada Cakta Jubba Land ayaa noqotay horyaalka maamul goboleedyada, kadib marki ay galabta hanatay tartanka kubada cakta maamul gobleedyada.

Jubba Land waxay 1-0 uga badisay kooxda kubada cakta Puntland. Waa marki ugu horreysay oo ay Jubba Land qaadeyso koobka tartankan oo bilowday sanadki lasoo dhaafay.

Puntland oo ku dhameysatay kaalinta labaad, waxay aheyd kooxda difaacaneysay tartankan, kadib marki ay hanatay sanadki lasoo dhaafay ee 2016.

Munaasabad lagu soo gaba gabeeynayay tartankan ayaa galabta ka dhacday garoonka kubada cakta ee Koonis ee magaalada Muqdisho. Munaasabadan oo ay kasoo qeybgaleen, Ra’isulwasaaraha dalka, Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada, Khadija Maxamed Diiriye iyo Duqa Muqdisho ayaa waxaa billado iyo koobab la gudoonsiiyay xulalka galay kaalimaha hore.

XS
SM
MD
LG