Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasaaradda Gaashaandhiga oo Dhameystirtay Wajiga 1-aad ee Qiimeynta Ciidanka


Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh
Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa sheegtay in la dhammaystiray wejigii hore ee qiimaynta diyaarinta ciidanka Soomaalida.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo waraysi gaar ah siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in qiimaynta lagu ogaaday tirada ciidanka diiwaangashan oo uu sheegay inay dhan yihiin 26 kun, cududda ciidanka, hoggaankooda, saanadda iyo tababarrada.

Wasiirka ayaa sheegay in qiimayntan ay muujinayso in ciidanka badidiisi ay diyaar yihiin inkastoo uu qiray inay jiraan meelo ay guutooyinku tiro ahaan dhiman yihiin.

Isagoo ka hadlayey qalabka ay ciidanka Soomaalidu haystaan ayuu sheegay in cunaqabataynta Qaramada Midoobay ay garbaduubtay awooddii qalab iyo hub ee ciidanka Soomaaliyaa, waxaana uu ku baaqay in dawladda Soomaalida loo oggolaado inay hub soo iibsna karto.

Waraysigan oo uu qaaday Haaruun Macruuf hoos ka dhagayso.

Dhageyso wareysiga wasiirka gaashaandhiga
please wait

No media source currently available

0:00 0:13:57 0:00

XS
SM
MD
LG