Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aqalka Wakiilada Mareykanka oo u Codeynaya Sharciga Canshuuraha


Wariyaal wareysanaya Sen. Mike Enzi, madaxa guddiga bajatka Aqalka Wakiilada Washington, Dec. 15, 2017.
Wariyaal wareysanaya Sen. Mike Enzi, madaxa guddiga bajatka Aqalka Wakiilada Washington, Dec. 15, 2017.

Aqalka wakiilada ee Kongareesyska Mareykanka ayaa maanta oo Talaada ah u codeyn doona sharciga canshuuraha ee ku kacaya $1.5ta trillion ee ay hidisihiisu leeyihiin mudanaaysha xisbiga Jamhuuriga.

Sharcigan ayaa canshuur dhimis u sameynaya dadka Mareykanka badankood, laakiin waxaa si weyn uga faa’idaya dadka hantileyaasha ah ee ladan, sida ay sheegtay koox dhex dhexaad ah oo arrimaha canshuuraha falanqeysa.

Ka dib marka uu codeeyo Aqalka Wakiilada ayaa la filayaa in sharciga uu u gudbo gelinka dambe ee manta ilaa iyo Arbacada Beri ah, Aqalka Senateka.

Haddii labada Aqal ay wada ansixiyaan, waxaa uu u gudbi doonaa Aqalka Cad si Madaxweyne Trump uu u saxiixo.

Sharcigan ayaa hadii uu gudbo noqonaya, kii ugu weynaa ee canshuurta isbedel ku sameeya ee Mareykanka soo mara muddo ka badan 30 sanadood, waxaa kaloo uu noqonayaa sharcigii ugu weynaa ee ay xukumadda Trump ku guuleysato inay meel mariso.

Xubnaha Jamhuuriyiinta ayaa u muuqda inay heystaan codka ay u baahanyihiin si ey u meel mariyaan sharcigan oo qeyb ahaan nasaqaya sharcigii Caafimaadka dadweynaha ee uu hindisihiisa lahaa madaxweynihii hore Barack Obama .

XS
SM
MD
LG