Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Galabta Ka Dhacay Gobolka Hiiraan


Ethiopian soldiers ride on an army truck on the road to Afgooye settlement, about 30km (19 miles) south of Somalia's capital Mogadishu January 24, 2007.
Ethiopian soldiers ride on an army truck on the road to Afgooye settlement, about 30km (19 miles) south of Somalia's capital Mogadishu January 24, 2007.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee Jooga Soomaaliya iyo Maleeshiyada Al Shabab uu galabta ka dhacay duleedka Beledweyne.

Sida ay sheegayaan wararka, dagaalka oo soo gaaray ilaa gabal-dhicii maanta, ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhaw deegaanka Ceelgaal oo qiyaastii 17km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Beledweyne.

Ilo wareedyo ku sugan deegaanka, ayaa VOA-da u sheegay in iska-hor-imaadka uu bilowday kadib marki ay malleeshiyo ka tirsan Al Shabaab waddada u galeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Itoobiya.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse wararka ayaa sheegaya in dadki deganaa deegaannada u dhaw halka dagaalku ka dhacay ay ka carrareen guryahdooda, sababo la xiriira cabsi dhinaca amnigooda ah.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan dagaalki galabta.

XS
SM
MD
LG