Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowlada Somaaliya oo xirtay Cabdiraxman Cabdishakur


Abdirahman Abdishakur
Abdirahman Abdishakur

Ciidamo ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa xalay xabsiga u taxaabay siyaasiga Cabdiraxman Cabdishakur Warsame.

Sida ay goobjoogayaal u xaqiijiyeen VOA-da, ciidamada NISA ayaa weeraray guriga siyaasigan ka mid ah siyaasiyiinta xisbiyada mucaaraadka, halkaas oo la sheegay in is-rasaaseyn dhexmartay ciidamada amniga iyo ilaalada siyaasigani ay ku dhinteen shan ruux.

Afar ka mid ah dadka dhintay ayaa la xaqiijiyay in ay ahaayeen ciidamadi ilaalinayay Cabdiraxman Cabdishakur.

Xildhibaan Cabdifatah Geeseey oo ka mid ahaa dadki joogay guriga siyaasigan marki uu weerarka dhacayay, ayaa VOA-da u xaqiijiyay dhaawaca Cabdiraxman Cabdishakur.

Dhageyso xildhibaan ka goob joog ka ahaa weerarki xalay
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:11 0:00

Dhinaca kale war saxaagfadeed kasoo baxay Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu faah-faahisiyay sida ay wax u dhaceen. Qoraalka

Qoraalka ayaa u dhignaa sidan:

Hay’adaha amniga iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah iyo awaamir ka soo baxday hay’adaha sharciga ah, ayaa xalay abaarihii 11.30 habeenimo ayey guri lagu tuhunsanaa in lagu abaabulo fal dambiyeedyada kor ku xusan ayaa markii hay’adaha amniga tageen gurigaas muwaadiniintii guriga joogtay u hoggaansami waayeen awaamiirtii aheyd in la baaro iyadoo la waday warqadii ruqsada baarista iyo horgeynta sharciga.

Guriga ayaa waxaa ku sugnaa Mudane Cabdiraxman Cabdishakur Warsame oo ahaa shaqsigii ruqsada loo soo qaatay uuna si cad uga horyimid awaamiirtii hay’adaha amniga, ka dibna ay ciidankii illaalada u ahaa ay rasaas ku bilaabeen ciidanka amniga. Bacdamaa uu muwaadinkan diiday inuu u hoggaansamo awaamiirta hay’adaha sharciga kalana horyimid dagaal hubeysan ayey ciidamadu ku guuleysteen isagoo bad qaba ay gacanta ku soo dhigeen. Sidoo kale waxay hay’adaha amniga la soo wareegeen qalab la aaminsanyahay inay qeyb weyn ka qaadan doonto baarista iyadoo sharciga waafaqsan.

Tallaabadaas oo hay’adaha amniga u mareen si waafaqsan shuruucda dalka iyadoo la fulinayey awaamiirtii hay’adaha sharciga. Muwaadin walba waxaa waajib ku ah inuu u hoggaansamo sharciga, mana jiro cid ka sareysa sharciga, kana fogaadaan fal kasta oo keeni kara xad-gudub qaanuuneed iyo inuu ka dhasho fal danbiyeed.

Xariga siyaasigan ayaa imanaya saacado yar kadib marki uu shalay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Dahir, ka dalbaday baarlamaanka Soomaaliya inuu xasaanada ka qaado laba xildhibaan oo lagu eedeeyay khiyaano qaran.

XS
SM
MD
LG