Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xeer Ilaalinta Qaranka oo Baarlamaanka Ka Dalbatay in Xasaanada Laga Qaado Laba Xildhibaan


Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Axmed Cali Dahir
Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Axmed Cali Dahir

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, Axmed Cali Dahir ayaa maanta oo Axad ah ka dalbaday Baarlamaanka Soomaaliya, in ay xasaanada ka xayuubiyaan, laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka.

Xildhibaan Xasan Macallin Maxamuud iyo Cabdisaabir Nur Shuuriye, ayuu Xeer-ilaaliye Axmed Cali Dahir ku eedeeyay duminta dowladnimada iyo qarannimada Soomaaliya.

Axmed Cali Dahir oo maanta shir jaraa,id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in labadani xildhibaan ay sharciga horgeyn doonaan baaritaan dhameystiranna ku sameyn doonaan, marka uu baarlamaanka ka qaado sharafka xildhibaannimo.

Mid ka mid ah labadan xildhibaan oo ay VOA-da la xiriirtay ayaa ku gacan seyray eedeeaha uu usoo jeediyay xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka.

XS
SM
MD
LG