Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali Lagu Diley Deegaanka Oromada ee Itoobiya


Itoobiya Map
Itoobiya Map

Wararka nagasoo gaaraayo deegaano ka mid ah ismaamulka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in dad Soomaali ah oo tiradooda ay gaareyso 65 qof lagu diley tuullada Gadule ee hoostagta degmada Darullow. Hasa ahaatee, madaxa Warfaafinta deegaanka bariga Harerge ee dowlad gobolleedka Oromada, Cabdirisaaq Maxamed oo la hadlay laamaha Itoobiyaanka ee afafka Oromada, Tigreega iyo Axmaaradda ee VOA, ayaa tirade dadka dhintey ku sheegay 14 qof.


Cabdirizaaq Maxamed waxaa uu intaas ku darey in weerarkan uu ka dhashey duullaan ay ciidamada Liyuu Boliiska ee deegaanka Soomaalida ku soo qaadeen deegaan aan Gadule ka dheerayn, 2 qof oo midi askari yahayna ay ku dileen. Islamarkaasna reerki askariga laga diley ay weerar ku qaadeen Soomaalida Gadule ku sugneyd.


Jaamac Buulle Jaamac ayaa la xariirey mid ka mid ah dadkii ku sugnaa goobta dadka lagu laayey, arrimo amniga la xariiro darteedna codsadey in aan magaciisa la shaacin, waxaana uu uguhoreyn weydiiyey sidii ay wax udhaceen.

Somali Oromo
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:34 0:00
Itoobiya Map
Itoobiya Map

XS
SM
MD
LG