Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliska Kenya oo Lagu Eedeeyay Kufsi iyo Jirdil


Ciidanka booliska Kenya oo la tacaalaya mudaaharadayaal, gudaha Nairobi, Nov. 17, 2017.
Ciidanka booliska Kenya oo la tacaalaya mudaaharadayaal, gudaha Nairobi, Nov. 17, 2017.

Hey’ada Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in inti lagu guda jiray doorashadi madaxtinimo ee Kenya ka dhacday sanadkaan, ay ciidanka boolisku kufsadeen tiro haween ah isla markaana jirdil u geysteen dad rayid ah.

Warbixin cusub oo ay Khamiista maanta ah soo saartay Hey’adan, ayay ku sheegtay inay dhaceen xadgudubyo baahsan oo dhinaca galmada ah oo loo geystay dumar.Waxaa kale oo ay ku eedeeysay ciidanka booliska, in ay awood xad-dhaaf ah u adeegsadeen dad mudaaharaadaayay.

Jirdil, dhac iyo dil ayaa ka mid ahaa danbiyada ay Human Rights Watch ku eedeysay ciidamada booliska Kenya.

Taliyaha ciidanka booliska Kenya Joseph Boinnet, ayaa ku tilmaamay warbixintan been lasoo dhoodhoobay. Wuxuu ugu baaqay Human Rights Watch in ay keento caddeymo.

XS
SM
MD
LG