Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wariyeyaal Lagu Xiray Myanmar


Thet Oo Maung iyoKyaw Soe Oo
Thet Oo Maung iyoKyaw Soe Oo

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay xarig Talaadadi lasoo dhaafay loogu geystay dalka Myanmar laba wariye oo ka tirsan wakaalada wararka Rueters.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa Khamiista maanta ah sheegay in xarig laban saxafi uu muujineyo sida uu hoos ugu sii dhacayo xorriyada hadalka ee dalka Myanmar.

Guterres ayaa sheegay in uu sidoo kale ka walaacsanyahay xadgudubyada ka dhanka ah Muslimiinta laga tirada badanyahay ee Rohingya, wuxuu intaasi raaciyay in sababta loo xiray wariyaashani ay tahay iyaga oo tabiyay masiibada bani,aadanimo ee ka taagan gobolka Rakhine ee dalkaasi Myanmar.

Wariyaasha kala ah Wa Lone iyo Kyaw Soe Oo, ayaa laga qabtay Talaadadi magaalada Yangon. Waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriira xadgudub ka dhan ah sirta qaranka.

Dhinaca kalana, Dhaqaatiirta aanan xuduuda laheyn ayaa maanta sheegay in ugu yaraan 6,700 oo ka mid ah Muslimiinta Rohingya ee dalka Myanmar la dilay inti lagu guda jiray baishi ugu horreysay ee xausuuqa ka dhanka ahaa dadkani.

Hey’adan oo saldhigeedu yahay magaalada Geneva ayaa sheegtay in arrintani ku ogaatay daraasado ay ka sameysay xeryaha qaxootiga eek u yaalla dalka Bangladesh.

Dilkaas ayaa waxaa lagu eedeeyay xoogaga milatariga dowlada Myanmar.

XS
SM
MD
LG