Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ronaldinho oo Ku Biiraya Siyaasadda


ronaldinho.jpg
ronaldinho.jpg

Wargeyska Now O Globo ee kasoo baxa magaalada Rio de Janeiro, ayaa maanta daabacay in laacibki hore ee adduunka Ronaldinho uu u ordi doono kursiga baarlamaanka ee gobolka uu kasoo jeedo Minas Gerais ee dalka Brazil.

Wargeyskan ayaa ku warramay in Ronaldinho uu musharrax u yahay xisbiga Social Christian Party ee uu hogaamiyo Jair Bolsonaro, kaasoo ka mid ah axzaabta ugu cad cad doorashada baarlamaaniga ah iyo tan madaxtinimo ee dalka Brazil ka dhici doonta sanadka soo socda ee 2018.

Ronaldinho ayaa horay ugu soo ciyaaray kooxaha PSG, Barcelona iyo AC Milan. Muddadi uu joogay Yurub wuxuu ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or. Tan iyo marki uu ku laabtay Brazil wuxuu u ciyaaray kooxaha Flamengo, Atlético Mineiro, Querétaro iyo Fluminense.

Ciyaartooyda la yaqaano ee reer Brazil ee xafiis siyaasadeed xil ka qabtay waxaa ka mid ah laacibki hore ee reer Brazil Romario.

XS
SM
MD
LG