Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Man City oo La Gaari La,yahay 


Britain Soccer Premier League Preview
Britain Soccer Premier League Preview

Kooxda Manchester City ayaa kordhisay dhibcaha ay ku hogaamineyso horyaalka Premier League ee dalka Ingiriiska, ka gadaal marki ay 4-0 ku dardartay xalay kooxda Swansea City.

Goolasha laba ka mid ah waxaa City siiyay xidigooda khadka dhexe David Silva oo soo bandhigay ciyaar heer sare aheyd. Goolasha kale waxaa kala qeybsaday Kevin de Bruyn iyo Sergio Aguero.

Waxay aheyd guushii 15-aad oo xiriir ah oo ay ka gaareyso ciyaaraha Ingiriiska xilli ciyaareedkan. Ma jirto koox 15 jeer oo xiriir ah badisay horyaalka Ingiriiska hal xilli ciyaareed.

Manchester City waxay hadda horyaalka ku hogaamineysaa 49 dhibcood, waxay 11 dhibic ka sarreysaa kooxda ay isku magaalada yihiin ee Manchester United oo oo xalay 1-0 ku khaarijisay kooxda Bournemouth. Goolka guusha waxaa saxiixay weeraryahan Romelu Lukaku.

Tottenham ayaa usoo dhaqaaqday kaalinta afraad, kadib marki ay 2-0 ku garaacday Brighton.

Ciyaaraha kalan, kooxuhu waxay isu arkeen didan:

Southampton 1 - 4 Leicester CitySwansea City 0 - 4 Manchester City
Liverpool 0 - 0 West Bromwich Albion
Tottenham Hotspur 2 - 0 Brighton & Hove Albion
West Ham United 0 - 0 Arsenal.

XS
SM
MD
LG