Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Milan oo Tiigsatay Sideed Dhamaadka Coppa Italia

Suso de l’AC Milan, au centre, jubile avec ses coéquipiers Jose Sosa, à gauche, Gerard Deulofeu, Juraj Kucka et Mario Pasalic, après avoir ouvert la marque au cours d’un match entre l’AC Milan et Palermo au stade San Siro à Milan, Italie, 9 avril 2017.

Kooxda AC Milan ayaa gaartay wareega sideeda kooxood ee tartanka Coppa Italia ee dalka Talyaaniga kadib marki ay xalay 3-0 ugu awood sheegatay kooxda Hellas Verona.

Waxay aheyd ciyaarti labaad oo xiriir ah oo uu guuleysanayo macallinka cusub ee Milan Gennaro Gattuso.

Milan oo sidoo kale u muuqato inay u bogtay qaab ciyaareedka 4-3-3 kadib marki ay kasoo guurtay habki uu ku ciyaari jiray macalinki hore Montella ee 3-5-1 ayaa waxaa goolasha u kala dhaliyay Suso, Alessio Romagnoli iyo Cutrone.

Guusha ay gaartay Rosoneri ayaa qaabeyneysa ciyaarta loo yaqaano Derby Milanosababtoo ah waxay wareega Sideeda Sideedaad ay ku beegantay kooxda ay mataanaha yihiin ee Inter Milan. Labadan koox ayaa is arkaya 27-ka bishaan December.

Inter waxay Talaadadi rigoorayaal 5-4 uga soo badisay kooxda yar ee Pordenone.

XS
SM
MD
LG