Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Real Madrid oo Gaartay Finalka Koobka Qaaradaha


Gareth Bale oo u dabaaldagaya goolki uu ka dhaliyay Al Jazira Abu Dhabi, 13-ka décembre 2017.
Gareth Bale oo u dabaaldagaya goolki uu ka dhaliyay Al Jazira Abu Dhabi, 13-ka décembre 2017.

Kooxda Real Madrid ayaa gaartay finalka koobka Naadiyada Aduunka, kadib marki ay xalay 2-1 ku garaacday kooxda Al Jazira ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Ciyaartan oo ka tirsaneyd wareega afraad ee tartankan, ayaa waxaa goolka ku hormartay kooxda Al Jazira oo uu hogaanka ciyaarta u dhiibay laacibka reer Brazil Romarinho.

Real oo koobkan qaaday sanadihi 2014-ki iyo 2016-ki, ayaa waxaa goolka barbaraha u dhaliyay xidigooda Ronaldo, halka goolka guushana uu saxiixay laacibka garabka dhexe ka ciyaara ee Gareth Bale.

Waa kulanki labaad iyo goolkiisii ugu horreeyay ee Real u dhalinayo tan iyo marki uu kasoo bogsaday dhaawac uu muddo la jiifay oo uu ka qabay lafdheerta.
Real ayaa ciyaarta kama danbeysta ah la dheeli doonto Sabtida soo aadan, kooxda reer Brazil ee Gremio.

XS
SM
MD
LG