Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: M. Biixii oo loo Dhaariyey Xilka Madaxtinimo


Somaliland President
Somaliland President

Madaxweynahii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xilkii ku warejiyay madaxweeynaha la doortay Muuse Biixii Cabdi oo maanta xilkaasi loo dhaariyay.

Munasabada xil wareejinta waxaa ka soo qaybgalay wasiiro, xildhibano iyo mas'uuliyiin kakala socday wadamada Ethiopia, Dejibouti, Kenya, iyo Ugandha, safiirro ka socday dalalka Yurub qaarkood iyo Ganacsato.

Madaxweynaha xilka wareejiyay Siilaanyo wuxuu sheegay in mudadii uu xilka hayay uu ku dadaaladay horumarka Somaliland wuxuuna kula dardaarmay madaxweynaha cusub Muuse Biixi in uu halkaasi ka sii amba qaado horumarkaasi.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi ayaa isna shgeegay in uu ka shaqeeyn doono sidii wax looga qaban lahaa cabashooyinkii ka dhashay doorashada ee xagga mucaaradka, wuxuuna kula dardaarmay shacabka in loo jeesto wax soo saarka dhinaca beeraha.

Waxa halkaasi ka hadlay oo kale madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale iyo madaxweyne ku xigeeno hore.

Dhageyso Dhaarinta Somaliland
please wait

No media source currently available

0:00 0:12:39 0:00

XS
SM
MD
LG