Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doug Jones oo ku Guuleystey Doorashada Senator-nimada Alabama


Doug Jones, musharaxi xisbiga Dimuquraadiga ayaa ku guuleystey doorashadi kursiga senat-ka Mareykanka ee gobolka Alabama. In kasta oo siyaasadda gobolku ay u janjeerto dhanka midige, hadana codbixiyeyaasha ayaa Doug Jones ka doorbidey Roy Moore oo Jamhuuri ah.

Guushan ayaa ka dhigan marka sanadka cusub la dhaariyo Doug Jones, in aqalka Senate-ka ee ay hada ku xoog-badanyihiin Jamhuurigu ay tirada Senataradu noqon doonaan 51 Jamhuuri ah iyo 49 Dimuquraadi ah.

Xilliga uu Senator-ku guto shaqadiisa ayaa ah mudo lix sano ah, balse Doug Jones waxaa uu fadhindoonaa sadex sano oo ka dhiman waqtigi uu shaqada soo hayey Jeff Sessions oo xilkan hayey ka hor inta uusan aqbalin Wasiirka Cadaalada ee gollaha wasiirada Donald Trump.

XS
SM
MD
LG