Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Muuse Biixi oo berri la caleemo saarayo


Muse Bihi
Muse Bihi

Munaasibadda dhaarinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee la soo doortay 13 kii November oo beri subaxda ka qabsoomaysa xarunta madaxtooyada ee magaalada Hargeisa ayaa la sheegay inay ka soo qayb galayaan wufuud kala duwan oo ka kala imanaysa wadamada Africa Europe iyo Dalalka carabta, kuwaasi oo sida ay VOA da u sheegeen masuuliyiinta qaban qaabada xafladda caleemo saarku ay ka mid yihiin safiiro, xildhibaano iyo wasiiro ka kala imanaya wadamo dhawr ah.

Madaxweynaha Berri xilka la wareegaya Muuse Biixi Cabdi ayaa noqonaya madaxweynihii 5 aad ee ay Somaliland yeelato tan iyo 1991 kii markii Somaliland ku dhawaaqday gooni isku taaga, waana madaxweynihii 3 aad ee si dimuqraadi ah dadweynuhu codkooda ugu soo doortaan.

Halka Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uu noqonayo m/weyne ku xigeenkii 4 aad ee Somaliland kadib markii isaga mar labaad dib loo soo doortay.

Xafladda Caleemo saarka berri lagu qabanayo magalada Hargeisa ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee laba madaxweyne oo la soo doortay laba xili oo isku oo ka soo wada jeeda xisbi kali ah ay xilka la kala wareegaan.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo bishii July 2010 kii xilka madaxtinimo ku wareejiyay madaxweyanaha haatan talada ka sii degaya Axmed Maxamed Silaanyo oo kaga guulaystay doorashadii 26 kii June 2010 ayaa ka mid ah masuuliyiinta berri ka qayb galaya munaasibadda dhaarinta madaxda cusub.

Ilaa hadda war rasmi ah lagama hayo in musharaxiintii xisbiyada mucaaradka ee la tar tamay Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici ay ka soo qayb galayaan xafladda caleemo saarka iyo in kale.

Dadweynaha Reer Somalialand ayaa aad ugu dheg taagaya xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doono Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, inkasta oo aan ilaa hadda wax macluumaad ah laga haynin xubnaha ku jira golaha wasiirada Cusub ee madaxweyne Biixi soo dhisi doono, isla markana xukuumadda haatan xiligeedii dhamaaday iyo xukuumadda cusub ee la filayo in uu soo dhiso Madaxweynaha cusub ay ka soo wada jeedaan xisbiga Kulmiye, hadana shacbigu waxay ka filayaan in isbedel lagu sameeyo tirada wasiirada iyo tayada xukuumadda cusub.

Sidoo kale waxay dad weynuhu aad uga war sugayaan talaabada uu madaxweyne Biixi ka qaadi doono la dagaalanka Musuq maasuqa, wax ka qabashada shaqo la’aanta, tayaynta haayadaha dawladda, kor uqaadista adeegyada caafiamadka, wax barashada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Mudada Xilka Madaxweynaha iyo M/weyne ku xigeenka cusub waa shan sanadood oo ka bilaabmaysa marka ay maalinta berri ah si rasmi ah ula wareegaan loona dhaariyo xilka.

Caqabadaha hor yaala xukuumadda Cusub wax aka mid ah shacbi si wayn ugu kala qayb samay tar tankii xisbiyadu ay ugu jireen loolanka madax tinimo, sicir barar saamayn wayn ku yeeshay nolosha dadka miyi iyo magaalo ba, abaaro ragaadiyay wax soo saarkii beeraha oo keentay in dad badani u baahan yihiin kaalmo kadib markii tacabkii beeruhu gabaabsi noqday iyo sidoo kale qabashada doorashada golaha wakiilada oo mudo dhaaftay , Doorashadii golaha deegaanka oo Iyana xiligii la qaban lahaa taagan, iyo golaha Guurtida oo aan ilaa hada la is la garan qaab lagu wajahayo, doorasho iyo soo xulitaan midka ay ku iman doonaan mudane yaasha golaha guurtidu.

XS
SM
MD
LG