Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland: Sarkaal sare oo qarax lagu dilay


Galgala
Galgala

Wararka ka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in maanta uu qarax ku dhintay Madaxii Miino Baarista Puntland Kornayl Cisman Abshir (Kabayare).

Korneylka ayaa la sheegay inuu haleelay Qarax lagu aasay aagga Galgala ee gobolka Bari, halkaas oo ay ciidamada Puntland fariisin ciidan ku leeyihiin.

Mid ka mid ah Ilaalada Korneylka dhintay ayaa VOA u xaqiijiyay in qaraxa uu haleelay sarkaalkan xilli ay ciidamadu ku howlanaayeen soo saarista miino jidka dhinaciisa lagu aasay.

Laamaha ammaanka Puntlad weli wax war ah kama soo saarin qaraxan uu ku dhintay sakaarkaal miina baarista u qaabilsanaa.

XS
SM
MD
LG