Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Isku Aadka Wareega 16-ka Tartanka Chamions League oo La Sameeyay


Britain Soccer Champions League Final
Britain Soccer Champions League Final

Waxaa galabta lagu dhawaaqay isku aadka wareega 16-kaa ee koobka kooxaha horyaalada Yurub ee Champions League.

Kooxda difaacaneysa tartankan ee Real Madrid ayaa ku beegantay kooxda lacagaha badan la geliyay sanadkaan ee PSG. Real iyada ayaa ku guuleysanaysay labadi sano ee lasoo dhaafay koobkan. Su,aasha taagan ayaa ah markeedii saddexaad oo xiriir ah iyo markeedii 13-aad ma qaadi doontaa.

Ingiriiska oo ay sanadkaan matalayaan shan koox marki ugu horreysay, ayaa kooxda Chelsea waxa ay ku dhaceysaa kooxda Barcelona oo ay marar badan isku arkeen tartankan. Tottenham oo iyana ah koox ka dhisan London waxay fooda dareysaa Juventus oo ka dhisan Talyaaniga.

Manchester United ayaa waxaa lagu aadiyay Sevilla, Manchester City waxay isku dhaceen Basel halka Liverpool ay la ciyaari doonto kooxda Porto.

Kooxda ka dhisan caasimadda Roma ee dalka Talyaaniga ee Roma, ayaa ku aadday naadiga Shakhtar Donetsk ee dalka Ukraine. Halka Bayern Munich ay ku dhacday kooxda Besiktas ee dalka Turkiga.

Is araga koowaad ee wareeha 16-ka koobkan ayaa waxa la ciyaari doonaa 13 iyo 14-ka bisha Febraayo ee sanadka danbe halka lugta labaadna ay kooxuhu ciyaari doonaan 20-ka iyo 21-ka bisha Marso.

Finalka koobka kooxaha horyaalada Yurub ayaa loo qorsheeyay in 26-ka May ee sanadka 2018-ka lagu qabto magaalada Kiev ee caasimada dalka Ukraine.

Guud ahaan isku aadka koobka Horyaalada Yurub wareegiisa 16-ka.

Juventus v Tottenham

Basel v Manchester City

Porto v Liverpool

Sevilla v Manchester United

Real Madrid v PSG

Shakhtar Donetsk v Roma

Chelsea v Barcelona

Bayern Munich v Besiktas

XS
SM
MD
LG