Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Paolo Guerrero oo Loo Diiday Inuu Ciyaaro Koobka Aduunka


Paolo Guerrero oo dhulka jiifa

Xiriirka kubadda cakta adduunka ee FIFA ayaa muddo 12 bilood ah ka ganaaxay ciyaaraha kabtanka xulka Peru Paolo Guerrero, kadib marki lagu helay inuu isticmaalay droogo.

Ganaaxaasi ayaa micnihiisu noqonayaa in Guerroro oo ah laacibka ugu gooldhaliska badan xulka Peru, uusan ka qeybgali doonin ciyaaraha koobka aduunka ee sanadka soo socda lagu qaban doono dalka Russia.

Baaritaan lagu sameeyay laacibkan horraantii bishii October ka hor inta uusan xulkiisa Peru la ciyaarin xulka Argentine ayaa lagu ogaaday inuu qaatay maadada loo yaqaano cocaine.

Peru ayaa ka mid ah xulalka ka qeybgalaya koobka adduunka ee bisha June ka furmi doona Ruushka. Waa marki ugu horreysay tan iyo sanadki 1982-ki ay Peru ka qeybgaleyso tartankan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG