Isku xirrada

Somalia oo Walaac ka Muujisay Go'aankii Trump ee Qudus


Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka walaacsantahay go’aanka uu qaatay maalinti Arbacadii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee magaalada Qudus uu ugu aqoonsaday caaismadda Israa’iil.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa go’aankaasi ku tilmaantay inuu yahay mid halis ah, waxaana dawladdu ugu baaqday Maraykanka in ay si “dhab ah uga fiirsato halista go’aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka” sida lagu sheegay war safaaxadeedka

War saxaafadeedka ayaa ugu baaqay dalalka Carabta, Islaamka iyo guud ahaan Caalamka in ay sii laba-laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helista Qadiyadda Falastiin si looga gudbo xasillooni darrada haraysay Gobolka.

Soomaaliya waxay sheegtay inay dawlad iyo shacab-ba diyaar la yihiin markasta taageerada iyo garab istaagga shacabka Falastiin sidii ay u hanan lahaayeen xuquuqdooda dowladnimo.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG