Eebe Naxariistii Janno ha ka waraabiyee, waxaa saaka magaalada Hargeysa ku geeriyootay, Shamis Abokar Ismaaciil (Guduudo Carwo) oo ahayd gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ee idaacadii ugu horreysay ee Raadiyaha Hargeysa ka heesta 1952-kii.
Geerida Shamis Abokar oo sanadihii u dambeeyay xanuunsaneyd waxaa warbixintan ku eegeysa wariyeheenna Sahra Ciidle Nuur.