Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo maanta Jerusalem u aqoonsanaya caasimadda Israel


Trump Jerusalem
Trump Jerusalem

Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu maanta ku dhawaaqo in Mareykanka uu Jerusalem u aqoonsan yahay caasimadda Israel, wuxuuna safaaradda Mareykanka kasoo rari doonaa Tel Aviv.

Go’aankan ayaa la filayaa iuu carro xooggan ka dhaliyo dunida carabta iyo muslimiinta, hase yeeshee Aqalka Cad ayaa sheegay in Trump uu aqoonsanayo kaliya arrin taariikhi ah oo wadata xaqiiqo hadda ah.

Go’aankan ka hor ayuu Trump qadka taleefonka kula xiriiray shan ka mid ah madaxda bariga dhexe, sii uu ugu war-geliyo tallaabada uu qaadayao, waxaana ay kala yihiin; ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Natenyahu, madaxweynaha Falastiiniyiinta Mahmoud Abbas, boqorka Jordan Abdullah, madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sissi iyo boqorka Sacuudiga Salman Bin Abdulaziz.

Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Trump uu madaxdaas u sheegay in ka go’an tahay inuu sare usii qaado wada-hadallada Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta.

Dalalka Carabta ayaa horey uga digay tallaabada Trump. Wasiirka arrimaha dibedda Jordan, Ayman Safadi ayaa sheegay inuu u sheegay xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Rex Tillerson “cawaaqibka qatarta leh” ee ka dhallan kara haddii Mareykanka uu Jerusalem u aqoonsado caasimadda Israel.

“Go’aan noocaas ah wuxuu kicin doonaa carro ka dhacda dalalka Carabta, iyo xiisad halis gelisa dadaallada nabadeed” ayuu Safadi ku qoray barta twitter-ka.

XS
SM
MD
LG