Isku xirrada

Xuutiyiinta oo sheegay in ay dileen Cali Cabdalla Saalax


Xiisadda dalka Yemen ayaa cirka isku shareraysa kadib markii madaxdweyinihii hore ee waddankaasi Cali Cabdalla Saalax uu sheegay inuu ka goostay isbahaysigii uu la lahaa mucaaradka Xuutiyiinta.

Tallaabada uu qaaday Saalax ayaa horseedday dagaallo culus oo mar kale ka dhacay magaalada caasimadda ah Sanca.

Si kastaba, warar goor dhowayd kasoo baxay warbaahinta Xuutiyiinta ayaa sheegaya in Cali Cabdalla Saalax lagu dilay iska horimaad dhacay maanta, sida ay sheegeen Xuutiyiintu.

Xisbigiisa oo u warramay warbaahinta Sucuduiga ayaa iyagu dhinacooda sheegay inuu nool yahay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xuutiyiinta ayaa sheegtay inay xaqiijinayso in laga guulaystay maleeshiyadii Cali Cabdalla Saalax, isla markaana la dilay hoggaamiyahoodii sida ay laga sheegay telefiishanka Xuutiyiinta.

Faahfaahin dheeraad ah lama bixin, ilaa haatana si madaxbannaan looma xaqiijin geerida Cali Cabdalla Saalax.

Hadalka kasoo baxay Xuutiyiinta e eku saabsan geerida Saalax ayaa imanaya laba maalmood kadib markii Saalax iyo mucaaradka Xuutiyiintu ay kala jabeen.

Caasha Ibraahim Aadan ayaa wararkan ka waraysatay Xasan Al-Basri oo ku xeldheer arrimaha Yemen kuna sugan Mukallah.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG