Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dalalka Carabta oo Mareykanka uga digay aqoonsiga Jerusalem


Wasiirka arrimaha dibedda Jordan, Ayman Safadi ayaa sheegay inuu u sheegay xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Rex Tillerson “cawaaqibka qatarta leh” ee ka dhallan kara haddii Mareykanka uu Jerusalem u aqoonsado caasimadda Israel.

“Go’aan noocaas ah wuxuu kicin doonaa carro ka dhacda dalalka Carabta, iyo xiisad halis gelisa dadaallada nabadeed” ayuu Safadi ku qoray barta twitter-ka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu toddobaadkan ku dhawaaqo go’aanka maamulkiisa ee siyaasadda la xiriirta magaalada Jerusalem.

Wiilka Trump uu sodogga u yahay, islamarkaaa u ah kaaliyaha sare Jared Kushner ayaa axaddii sheegay in madaxweynaha uusan weli go’aan qaadan.

“Weli waxa uu eegayaa xaqiiqooyin badan oo kala duwan” ayuu yiri Kushner.

Saraakiil ka tirsan Mareykanka ayaa toddobaadkii tagey sheegay in la filayo in Trump uu Jerusalem u aqoonsado caasimadda Israel, hase yeeshee uu dib u dhigayo in safaaradda Mareykanka uu kasoo raro Tel Aviv oo uu keeno Jerusalem.

XS
SM
MD
LG