WASHINGTON. D.C —
Laacibka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Manchester City David Silva ayaa hal sano oo qandaraas cusub ah u saxiixay kooxdiisa, taasoo meesha ka saareysa damaca kooxo badan oo isha la raacaya 31 jirkan.
Heshiiska cusub ee uu saxiixay Silva ayaa dhigaya, inuu laacibkan reer Spain kusii nagaan doono magaalada Manchester ilaa sanadka 2020-ka.
David ayaa muddadi uu la joogay Man City ku guuleystay laba horyaal oo ah kan Ingiriiska, iyo hal koob oo ah koobka FA-ga.
Sanadki 2014-ki ayuu Silva ku biiray Manchester City. Wali wuxuu ka mid yahay xidigaha laf-dhabarka u ah kooxda Manchester City.
Facebook Forum