Dagaalo xooggan oo malamo socday, kuwaas oo dhex maray kooxaha Daaliban iyo Daacish ee dalka Afghanistan, ayaa lagu soo warramayaa in labada dhinacba ay khasaare xooggan gaarsiiyeen.
Dagaalka ayaa horaantii toddobaadkan ka qarxay degmada Khogyani ee gobolka Nangarhar, kadib markii dagaalyahanada Daacish ay weerar ku qaadeen fariisimo ay haysteen Daalibaanka.
Isku dhacyadan ayaa boqolaal qof oo shacab ah ka barakiciyey guryahooda, si ay uga fogaadaan inay haleelaan rasaasta ay isweydaarsanayaan labada koox.
Afhayeen ku sugan gobolka oo u hadlay milatariga Afghanistan ayaa VOA u xaqiijiyey in guul ay Daacish ka gaareen dagaalka ay ku dhiiri gelisay inay weerar kale ku qaadaann fariismo Daalibaan ku leeyihiin degmada Alingar ee gobolka Laghman, halkaasi oo isku dhac xooggan uu ka dhacay.
“Dagaalka ayaa waxaa Daaliban looga dilay laba taliye oo sare, balse weli ma hayno akhbaar ku saabsan khasaaraha Daacish” ayuu yiri.
Saraakiil ku sugan gobolka ayaa sheegay in Daalibaan ay hadda isku dayayaan inay gurmad xooggan geeyaan gobolka Laghman, halka Daacish ayagana ay dagaalyahanno ka keynayaan gobollada ay ku xoogan yiiin ee Nangarhar iyo Kunar.