Sasdex ka tirsan booliska Kenya ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen weerar ay ku qaadeen maleeshiyo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya.
Askartan la weeraray ayaa galbinayay basas kuwa rakaabka ah oo ku safrayay inta u dhaxeysa Lamu iyo Mombasa ee gobolka Xeebta ee Kenya.
Wariyeheenna Khadar Maxamud Xareed ayaa warbixintan ka soo diray Magaalada Nairobi.