Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda sare ee Somaliland oo ansixisay natiijadii doorashada


Muse Bihi
Muse Bihi

Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa maanta ansixisay natiijada doorashada madaxtooyada ee la gelay laba toddobaad ka hor.

Maxkamadda sare oo maanta qaraar soo saartay ayaa sheegtay in natiijada doorashadaasi ay ansax tahay, isla markanaa aanay jirin wax cabasho ah oo xisbiyada mucaaradka ah ka timid.

Fadhigii maanta ee qaraarkaasi ay maxkamaddu ku shaacisay kadib, ayaa weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye wuxuu arrintaasi ka waraystay guddoomiyaha maxkamadda sare, ahna maxkamadda dastuuriga ah Adam Xaaji Cali, waxaanu ugu horreyn waydiiyay dulucda qaraarkaas.

Wareysi: Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:58 0:00

XS
SM
MD
LG