Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faarax Macallin: Ma carqaladeyneyno caleemo saarka Uhuru


Uhuru Kenyatta
Uhuru Kenyatta

Magaalada Nairobi waxaa ka socda diyaargarowgii u danbeeyay ee ku aadan xafladda berrito lagu caleemo-saarayo madaxweynaha Kenya ee dib loo doortay Uhuru Kenyatta.

Amniga magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la filayaa in xafladda caleemo-saarka ay ka qeybgalaan madax ka tirsan Africa iyo waliba Ra’iisul-wasaaraha Israel. Weriyaheena Yaasiin Ciise Wardheere ayaa warbixintan kooban ka soo diray Nairobi.

Dhinaca kalena, xafladda caleemo-saarka Kenyatta ayaa waxaa aan ka qeybgali doonin Isbaheysiga mucaaradka NASA oo iyagu wali diidan natiijada doorashadii ku celiska ahayd ee Kenya.

Faraxa Macalin oo kamid ah xubnaha Isbaheysiga Mucaaradka Kenya ayaa sheegay in berri uu caleemasaarka dhacayo balse aysan mucaaradku diyaar u ahayn inay carqaladeeyaan munaasibadda caleemasaarka.

Weriyaha VOA Khadar Xareed ayaa Faarax Macalin Nairobi ku wareystay.

Wareysi: Faarax Macallin
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:47 0:00

XS
SM
MD
LG