Magaalada Djibouti waxaa waddahallo ay uga furmeen maamulka Galmudug iyo kan Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca.
Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa iyo madaxda dhinaca Ahlu-Sunna ayaa si fool-ka fool ah maanta isasoo hor-fadhiistay, waxaana kulamada labada dhinac ay socon doonaan muddo saddex cisoh ah.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa VOA u sheegay in kulamadan ay ka soo bixi doonaan is-afgarad ku aadan sidii labada dhinac ay hal maamul oo mideysan u wada noqon lahaayeen.
Weriyaheena Jacfar Kukay ayaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug khadka taleefonka ee Djibouti ku wareystay.