Magaalada Riyad waxaa ka furmay kulan ay yeellanayaan Isbahaysiga dalalka Islaamka ee ladagaallanka argagixisada. Kulankan waxaa ka qeybgalaya 41 waddan oo Somalia ay ku jirto.
Mohamed Bin Salman, Amiirka leh dhaxalka boqortooyada Sacuudiga ayaa kulanka ka sheegay in waddamada kulanka ka qeybgalaya ay ballanqaadeen inay ka shaqeeyaan sidii ay dunida uga tirtiri lahaayeen argagixisada.
Warbixintan waxaa inoo haya Jacfar Kuukaay.