Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Inter oo La Wareegtay Hogaanka Serie A


Italy Soccer Serie A
Italy Soccer Serie A

Kooxda Inter Milan ayaa marki ugu horreysay qabatay hogaanka horyaalka Serie A-da Talyaaniga, kadib marki ay 3-1 ku garaacday naadiga Cagliari.

Laba ka mada goolasha waxaa Inter u saxiixay gool magafaha reer Argentine Mauro Icardi. Laacibkan 24-jirka ah ayaa 14-ki kulan ee la soo dhaafay ka dhaliyay horyaalka Talyaaniga 15 gool.

Inter hadda waxay horyaalka ku hogaamineysaa 36 dhibcood, waxay hal buundo ka sarreysaa Napoli oo galabta la ballansan Udinese. Haddii ay Napoli badiso iyada ayaa dib u soo ceshan doonto hogaanka.


XS
SM
MD
LG