Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Zimbabwe oo madaxweyne cusub yeelatay


Emmerson Mnangagwa ayaa maanta loo dhaariyey madaxweynaha cusub ee dalka Zimbabwe, taasi oo soo gebe gebeysay 37 sano oo xukun kalitalisnimo ah oo uu dalka ku maamulayey Robert Mugabe.

Shantii bishan November ayaa Mnangagwa waxaa laga ceyiriey xilkiisa madaxweyne ku xigeennnimo xilli isaga iyo xaaska Mugabe ay ku loolamayeen cidda bedelysa Mugabe.

Laba toddobaad kadib ayaa siyaasigaas 75 jirka ah waxaa maanta lagu hordhaariyey 60 kun oo qof oo yimid garoonka cayaaraha qaranka ee Harare.

Ninkan oo loo yaqaan Yaxaaska ayaa waxa uu xiriir dhow la leeyahay ciidamada Zimbabwe, waxaana caqabada uu wajahayo ka mid ah dib u dhiska dhaqaalaha dalkaas oo ay burburiyeen afartan sano oo xukunka Mugabe ah.

Madaxweynihi hore ee dalkaas Robert Mugabe iyo xaaskiisa Grace Mugabe ayaa waxaa loo damaanad qaaday xasaanad ka hor istaageysa in dacwado lagu soo oogo.


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG