Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudiga oo u ogolanaaya Yemen in gar-gaar lageeyo


Isbaheysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay in ay dekedaha iyo garoomada diyuuradaha Yemen u furayaan gaadiidka sida gargaarka bani-aadanimo. Tallaabadan ayaa timid markii dhibaato xooggan oo dhinaca nolosha ah ay ka dhalatay xannibaaddii uu Isbaheysigu kusoo rogay irdaha Yemen laga galo ee Bad, Berri iyo Hawaba isugu jira.

Wararku waxa ay sheegayaan in Mareykanku uu Xulafada Carabta ku cadaadiyay in ay fududeeyaan xayiraadda ay Yemen kusoo rogeen, wax yar uun kadib markii Gantaal ay Xuutiyiintu Yemen ka ganeen uu ku dhacay meel ku dhow garoonka diyuuradaha Boqor Khaalid ee Magaalada Riyaad.

Jacfar Kukay ayaa Arrimahaasi ka wareystay Maxamed Cali Biixi oo ah Saxafi ka faallooda arrimaha carabta oo Riyaad ku sugan.

Dhageyso wareysi kus absan xaalada Yemen iyo Sacuudiga
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:40 0:00

XS
SM
MD
LG