Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacad Xariiri oo hakad heliyay is-casilaaddiisii


Reysal wasaaraha Lubnaan, Sacad Al Xariiri, ayaa sheegey Arbacada maanta in uu dib u dhigayo is casilaaddiisa, kadib markii uu madaxweyne Michel Aoun. uu sidaas ka dalbaday.

Isagoo kula hadlayay wariyayaasha magaalada Bairut, kadib isu soo bax maalinta xurriyada Lubnaan, ayuu Xairiri ku macneeyay in dib u dhigista is casilaaddiisa ay ka macno tahay si waqti loo siiyo wada hadallo dhex mara isaga iyo madaxweynaha.

Waxa uu sababay in qalalaase siyasaadeed dhexda laga galo, kadib markii uu bishan horraanteedii kaga dhawaaqay dalka Sacuudiga in uu xafiiska ka degayo, wixii markaas ka dambeeyayna waxa jirey warar la isla dhex marayay in Sacuudiga lagu xabbisay.

Madaxweyne Aoun ayaa sheegay in uusan aqbaleyn istaqaaladda Xariiri illaa maa uu si fool ka fool ah uu ugala hadlo arrimahaasi Sacad al Xariiri.

Xariiri ayaa kadib markii uu booqday dalalka Fanarsiiska iyo Masar, waxa uu dib ugu laabtay Lubnaan Talaadadii.

Dhageyso Reysal wasaaraha Lubnan oo dib u dhigey iscasiladdiis
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:32 0:00

XS
SM
MD
LG