Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mugabe oo wajahaya mooshin xil ka qaadis


Robert Mugabe
Robert Mugabe

Sharci dejiyeyaasha dalka Zimbabwe ayaa la filayaa inay maanta billaabaan hanaan ay xilka kaga qaadayaan madaxweynaha talada haya muddada fog ee Robert Mugabe, kadib markii uu iska dhego tiray waqtigii loo qabtay inuu isku casilo.

Xubnaha xisbiga talada haya ee ZANU-PF ayaa rajo ka muujiyey in tallaabaan lagu soo geba gebeyn doono muddo toddobaad gudihiis ah.

Mooshinka xil ka qaadista ayaa waxaa ku jira eedeymo ku saabsan in Mugabe uu ku xadgudbay awooddiisa, isaga oo xaaskiisa Grace Mugabe u magacaabay inay noqoto qofka beddelaya. Mugabe ayaa tallaabadaas qaaday kadib markii uu ceyriyey halyeyga milatari iyo madaxweyne ku xigeenkii dalkaas Emmerson Mnangagwa.

Mugabe oo 93 jir ah ayaan muujin wax astaan ah oo uu kaga tagayo xafiiska uu fadhiyey muddada ku dhow afartanka sano.

Mugabe ayaa ku jiray xabsi guri tan iyo toddobaadkii tagey markii milatariga ay qabsadeen xarumaha dowladeed ee muhiimka ah. Sarkaalka ugu sarreeya milatariga ayaa Isniintii sheegay in Mugabe uu xiriir la sameeyey Mnangagwa, oo la filayo inuu dhowaan dib ugu soo laabto Zimbabwe.

XS
SM
MD
LG