Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cirro: Ma aqbaleyno Xaqdarro iyo Wax Sharciga Baal Marsan


Cabdiraxmaan Cirro
Cabdiraxmaan Cirro

Musharraxa madaxtinimada xisbiga Waddani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta sheegay in aysan aqbali doonin "xaqdarro iyo wax sharciga baal marsan", mar uu ka hadlayey doorashadii madaxtinimada ee 13-kii bishan November dhacday.

"Waxaan shacabka reer Somaliland iyo taageerayaasha xisbiga waddani u xaqiijineynaa una sheegeynaa in aanan aqbali doonin xaq darro iyo wax sharciga baal marsan", ayuu yiri Ciro.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa intaas ku daray in ku shubasho baahsani ay dhacday xiligii codbixinta lagu jiray.

"Doorashada madaxtooyada ee jamhuuriyadda Somaliland ee noo qabsoontay 13-kii Nofembar, waxaa ku gaadaaman mad-madow fara badan, kaasoo dhaliyay musuqmaasuq iyo ku shubasho baahsan oo ka dhacday dhammaan degmo doorashooyinka Somaliland", ayuu yiri Cirro.

Musharraxa xisbiga Wadani, ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland in ay xireen qaar ka mid ah mas,uuliyiinta iyo taageerayaasha xisbigiisa.

Halkaan hoose ka dhageyso hadal uu maanta Cabdiraxman Cirro ku faaf-faahiyay mowqifkiisa ku aadan doorashadi dhawaan ka dhacday Somaliland.

Dhageyso khudbadda Abdirahman Irro
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:57 0:00


XS
SM
MD
LG